Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Jubbada hoose

Published: July 10, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay fuliyay howlgal ay Khawaarijta uga xoreeyeen deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa cagta mariyay goobihii gabaadka u ahaa Khawaarijta, waxaana jira khasaare cadowga lagu gaarsiiyay howlgalka saakay ka socda gobolka Jubbada hoose.Ciidamada ayaa ku sii wajahan deegaano hor leh, iyagoo kaabiga ku haya magaalooyinka Xagar iyo Jamaame.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalku uu sidii loo qorsheeyay u socdo isla markaana ay bulshada faahfaahin ka siin doonaan markii lasoo gabagabeeyo.

Horseed Media