Ciidanka xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno katirsan Gobalka Baay 

Published: December 14, 2022

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay Gacan ku haynta degaanno katirsan Gobalka Baay 

Degaannadan ayaa kala ah Daynuunaay iyo Moodo moodo kuwaas oo muhiim u ah isku socodka Baydhabo iyo Buur-hakaba.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka qeybta 60Aad ayaa sheegay in ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga labada deegaanka.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay gudaha degaannada ka wadaan howlgallo miino baaris ah.

Horseed Media