Ciidanka Xoogga dalka oo howgal qorsheysan ka fuliyey dhulka buuraleyda ee gobolka Hiiraan

Published: September 9, 2022
Shares178

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Gorgor oo kaashanaya ciidanka dib u xureynta degaanka ayaa howgal qorsheysan ka fuliyey dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay buurta Dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Ururka Al-shabaab.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka kumaandooska Gorgor waxa ay howlgalka ku dileen ku dhowaad lix xubnood oo katirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab kasoo furteen Afar Baqol oo neef oo Ari ah oo ay Afduub ahaan u heesteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *