Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Published: July 21, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee gobolka Bay ka saaray halkaasi.

Howlgalkan qorsheysan ee khawaarijta ka dhanka ah ee ka dhacay deegaanka Jameecada oo 25 KM u jira degmada Buurhakaba ayaa waxaa hadda ku sugan Xoogga Dalka, waxaana meesha isaga cararay khawaarijta baxsadka ka ah Cadaaladda kana been-shaagay Diinta Islaamka.

Xoogga dalka ayaa howlgallo qorshahan iyo mid toos ah kawada guud ahaan deegaannada ay khawaarijta kaga suganyihiin dalka, waxaana laga khaarajiyay khawaarijta horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, iyadoo kuwa badanna ay isku soo dhiibeen laamaha amniga si loo horgeeyo Cadaaladda.