Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku diley xubno katirsan Al-shabaab

Published: May 11, 2023

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheeysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyey deegaanka Gumeeysi-diid ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Guutada 14 oktoobar XDS G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in 3 kale oo xubnood lagu dhaawacay howlgalkaas qorsheysnaa.

Taliye Nuur Maxamed Gaaboow ayaa sheegay in ciidanka ay howlgal ka sameeyeen degmadda Awdhiigle, iyo degaannada Johar iyo Ay-buuteey.

Horseed Media