Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku qabtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Published: March 22, 2020

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hawlgallo ciidan oo ay mudooyinkii lasoo dhaafay ka wadeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Alshabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu qabtay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suuley oo loo yaqaan Xasan Ganey.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Dawlada u sheegay in Sarkaalkan lagu soo qabtay, isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Janaale.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay xoogeysatay wada shaqeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, isla markaana ay taas suura gelisay inay ku guuleystaan la wareegida Amniga Janaale iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *