Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgallo ka sameeyay Bakool

Published: November 30, 2023

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad, Qeybta 60-aad CXDS ee ku sugan gobolka Bakool, ayaa maanta howlgal lagu Ciribtirayo  maleeshiyaadka Al-shabab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad, qabta 60-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Yuunis Aadan Xasan, ayay ciidanku ku bur buriyeen fariisimooyin ay khawaarijtu ku lahaayeen degaanada Lukugooraw,Edaayin, Dabgal, Ceelahaley Ilaa kulan-jareer oo inta badan maleeshiyaadka khawaarijtu ku dhuumaalaystaan, iyadoo ay jiraan qasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay cadawga kedib markii ay isku dayeen ineey iska caabin sameeyaan sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay G/le Yuunis Aadan Xasan oo hoggaaminyay howlgalka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa gobolada dalka ka wada howlgallo guud ahaan dalka looga ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabab.