Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo

Published: November 3, 2021

Howlgalkani oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka degaano ka tirsan gobalka Gedo, gaar ahaan magaalada Garbahaarreey, halkaasi oo lagu wado inay ka qabsoonto Doorashada Goloha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxa Hoggaaminayey Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo G/le sare Warfaa Shiikh Aadan Faroole iyo Abanduulaha Guutada G/dhaxe Cismaan Shiikh Cabdi Qorax.

Sarakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi donaan Hawgalada lagu xoojinaayo guud ahaan amaanka gobalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *