Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo ka wada deegaanno hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe

Published: December 12, 2022
Shares2

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo ka wada deegaanno hoostagga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa wada qorshe ay isugu fidinayaan deegaanada dhaca duleedka degmadaasi ee ku teedsan Webiga Shabelle, gaar ahaan aagga Cali Fooldheere.

Sidoo kale howlagalladda waxaa qeyb ka ah diyaaradaha drones-ka ee saaxiibada caalamiga oo dhanka cirka ka duqeeyey dhufeysyo ay Al-shabaabku ku lahaayeen Jiinka Webiga.

Ciidamada ayaa hawlgal kale oo midkaan barbar socdo waxa ay ka wadaan deegaano ku yaala duleedka Degmada Aadan Yabaal, waana hawlgalo lagu qeexay xoreyn iyo xasillin.

Horseed Media