Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Bakool

Published: August 16, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Waqooyiga Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa u jeedkiisu ahaa baacsiga maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo jid gooyo ka sameystay wadada Xariirisa Qurac-joome iyo magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq iyo Taliyaha sahanka guutada dhamme Aadan Gaabow isaaq.

Horseed Media