Ciidanka Xoogga Dalka oo kala wareegay ATMIS Saldhigga Kudhaa ee Jubbada Hoose

Published: October 17, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka dhigan guul wayn oo laga gaaray wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada.

Injineerka Guud ee Milatariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleiman Ibrahim, oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa ku ammaanay ciidanka Kenya Defence Forces (KDF) kaalinta ay ka qaateen daciifinta awoodda Al-Shabaab iyo horumarinta nabadda gobolka. 

Sidoo kale, Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka ciidanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida guutada ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee la wareegi doonto saldhigga ay ugu dadaali doonto ilaalinta shacabka. 

Waxaa xafladda ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka UNSOS u qaabbilsan Qorshaha Kala-guurka, Santosh Koka, Taliyaha Qaybta 2-aad, Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid, iyo masuuliyiin kale oo ka socday ATMIS iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Horseed Media