Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud

Published: April 7, 2023
Shares28

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa maanta Ururka Al-shabaab ka qabsaday degmadda Galcad ee gobalka Galgaduud.

Ciidamada ayaa dhoowr jiho ka galay magaalada iyadoo haatan uu ka socdo baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Al-shabaab isaga carartay Galcad oo muddooyinkii u dambeeyay ay isku aruursanayeen.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay uga harsan yihiin dalka.

Horseed Media