Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay

Published: April 12, 2023

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanad guuradii 63-aad ee 12-ka Abriil oo maanta ku beegan kadib markii la aasaasay.

Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda munaasabada 12-ka April.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan ayadoo sanadguuradii la xusay xili halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Saraakiisha ciidamada ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda sanad guurada 63-aad.

Horseed Media