Ciidanka Xoogga oo howlgal ka sameeyey deegaan hoostaga degmada Galcad

Published: April 23, 2023

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan maanta ka sameeyey deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyey fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen Ururka Al-shabaab, sida lagu sheegay war lagu daabacay Warbaahinta dowladda.

Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga ay nolosha ku qabteen ilaa shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiyeen.

Horseed Media