Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka wada Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad

Published: September 17, 2023

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ayaa saaka howlgallo ka wada deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Deegaanadaas qaar kamid ah maleeshiyaadka al-shabab waxay isku dayeen inay hor istaagaan ciidamada laakiin waa lagu jabiyay, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa sabtidii shalay dagaal xoogleh kala hortagay maleeshiyaadka khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.