Ciidmada Galmudug & Ahlusunna oo ku dagaalamaya Dhuusamareeb

Published: May 13, 2022

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Galmudug, kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Ahlusunna Waljameeca ayaa saaka ka socda xaafaddo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dagaalkan oo bilowday arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa uu ka dhashay, kadib markii Dhuusamareeb gudaha ay u galeen Ciidanka Ahlusunna, isla markaana lagu arkay Xaafadaha Waabari iyo Waxarcade ee Magaaladaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in weli la maqlay rasaas goos-goos ah oo Ciidamada dagaalamaya ay isdhaafsanayaan.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan la cadeyn inta uu gaarsiisan yahay, mana jiro wax war ah oo labada dhinac midna ka soo baxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *