Published: October 5, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/FB-Whapp-insta-1200x675.jpg)
Aaladahan ayaa Isniintii shalay hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad farsamo oo qaadatay 6 saac xalinteeda sida ay sheegtay shirkada Facebook.
Dad gaaraya 3.5 bilyan oo qof oo isticmaala aaladahaas ayaa saacado badan u suurto geli weyday inay isticmaalaan baraha bulshada iyo isgaarsiinta loo adeegsado sadexadaas aalad oo ay dadka sida weyn uu isticmaalaan.
Cilada ayaa lagu sheegay isbedal lagu sameeyey (Update) Routers-ka Netwerka guud oo keentay ciladan hawada ka saartay APP’s Facebook, Instagram iyo WhatsApp.
Horseed Media