Ciraaq: Maraykanka oo Baneeyay Lix Saldhig

Published: April 7, 2020

Ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda ku sugan wadanka Ciraaq ayaa maanta baneeyay saldhig ay ku laahaayeen galbeedka caasimadda Baqdaad.

Saldhigan ayaa noqonaya kii lixaad ee ciidamada Maraykanku ku wareejiyaan ciidamada ciraaq dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Tan iyo markii uu Maraykanku uu khaarajiyay jeneraal Qaasim Sulaymaani waxaa kordhay weerarada gantaalaha ee lagu soo qaado saldhigyada Maraykanku ku leeyahay dalka Ciraaq, taasi oo sababatay inuu ka guuraan saldhigyada qaarkood.

Ciidamada Xulufada ah ee Maraykanku hoggaaminayo ayaa ciraaq dib ugu soo laabtay sanadkii 2014kii si ay ula dagaalaamaan kooxda ISIS oo qabsatay qaybo badan oo ka mid ah dalka Ciraaq.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *