Saddex nin oo Ciraaqi ah ayaa magdhaw u helay $42 milyan dhaawacyadii ka soo gaaray gacanta…
Saddex nin oo Ciraaqi ah ayaa magdhaw u helay $42 milyan dhaawacyadii ka soo gaaray gacanta qandaraaslayaasha millatariga Mareykanka sanadihii 2003/04.
Tacaddiyada ka dhacay xabsiga Abu Ghraib ayaa noqday astaanta xadgudubyada xuquuqul insaanka ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Xeerbeegti heer federaal ah oo ku taal Virginia ayaa Talaadadii ku amray qandaraasle Mareykan ah inuu bixiyo $42 milyan oo magdhow ah saddex nin oo Ciraaqi ah oo lagu jirdilay xabsiga Abu Ghraib ee Ciraaq 2003-2004.
Xeerbeegtida oo tiradoodu ahayd siddeed qof ayaa ku helay shirkadda CACI Premier Technology inay mas’uul ka tahay kiiska doorkii ay ku lahayd jirdilka maxaabiista iyadoo Mareykanku uu fulinaayey dagaalkii uu kula jiray al-Qaacidada Afgaanistaan ka dibna Ciraaq.
Suhail Al Shimari, Salah Al-Ejaili iyo Asaad Al-Zubae ayaa midkiiba la guddoonsiiyay 14 milyan oo dollar oo magdhow ah.
Marka laga soo tago sheegashada in aysan jirin qandaraasleyaal xiriir la leh eedaysanayaasha intii ay ku sugnaayeen Abu Ghraib, qareennada shirkadda CACI ee fadhigoodu yahay Virginia waxay ku doodeen in shirkadu aysan mas’uul ka ahayn dhaqankooda maadaama ay ka barbar shaqeynayeen shaqaalaha ciidamada Mareykanka iyadoo la raacayo mabda’a sharciga ah ee loo yaqaan ‘borrowed servants doctrine’.
Saddexda Ciraaqi waxay ka marag kaceen in jir ahaan iyo maskax ahaanba jirdil loo geystay ; garaacid, kufsi, koronto lagu abto, eeyaha wax cuna iyo dharka oo loo diidey.
Dacwadda ayaa markii ugu horreysay la gudbiyay 2008, laakiin xukunku wuxuu qaatay 15 sano taasoo ka dhalatay mooshinnada sharciga ah ee CACI iyo isku dayo badan oo lagu doonayay in kiiska la joojiyo.
HORSEED MEDIA