Ciyaarihii gobolada Puntland oo meel xiisa badan maraya

Published: February 4, 2012

Tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland ayaa si habsami leh uga socda magaala-madaxda Puntland ee Garoowe.

Ciyaaraha galabta dhacaya oo ah kuwo aad u xiisa badan ayaa dhex maraya xulalka kala ah:

Karkaar VS Nugaal

Bari VS Haylaan

Groupka ay kooxahani ku wada jiraan oo ah Group-ka ugu adag ayaa ah midka ay dadka intooda badani saadaalinayaan in xulka koobka qaadi doonaa uu kasoo baxayo.

Qaybta hore ee ciyaarta oo hada socota waxaa wada dheelaya labada xul ee Karkaar iyo Nugaal, waxaana ciyaarta 2-1 ku horkacaya xulka gobolka Nugaal.

Najiib-8 iyo Yacquub Yare-16 ayaa gobolka Nugaal goolasha u dhaliyey, waxaana goolka keliya ee uu xulka gobolka Karkaar leeyahay u saxiixay ciyaar yahanka da’da yar ee Dhuubane-20.

Qaybta danbe ciyaaraha galabta waxaa isku arkaya labada xul ee Bari iyo Haylaan oo labadoodaba laga soo badiyey ciyaarihii ay horay usoo yeesheen.

Natiijooyinka ay Ciyaaraha galabta dhacayaa kusoo gaba gaboobaan iyo Sawiradaba ka filo saacadaha soo fool leh warbaahinta Horseed Media.

Horseed Media