Cudurka Coronavirus ayaa Dilay 100,000 kun Oo Qof

Published: April 10, 2020

Tirada dadka uu dilay cudurka Coronavirus (Covid-19) ee guud ahaan caalamka ayaa hadda gaadhay 101,579 kun qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jaamacada Johns Hopkins ee Wadanka Maraykanka.

Cudurka Coronavirus ayaa ku dhacay dadka ka badan 1.5 Milyan oo qof, tiradaas oo saddex meelood meel ay yihiin dad u dhashay wadanka Maraykanka.

Dalka talyaaniga waxaa cudurka u dhintay ilaa 19 kun qof , halka Maraykanka dadka u geeriyooday ay gaarayaan 18 Kun qof, Wadamada Spain iyo Faransiiska ayaa tiro badan oo dadkooda waxaa laayay cudurka Coronavirus.

Cudurka Coronarvirus ayaa ka dilaacay gobolka Wuhan ee wadanka Shiinaha dhamaadkii sanadkii hore, waxaana cudurka u dhintay dad ka badan saddex kun qof.

Italy 18,849 qof ayaa u dhintay Cudurka

USA 18,016 qof ayaa u dhintay Cudurka

Spain 15,970 qof ayaa u dhintay

France 13,197 qof ayaa u dhintay

Uk 8,958 qof ayaa u dhintay

Iiraan 4,232 qof ayaa u dhintay

China 3,336 qof ayaa u dhintay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *