Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Cali Gaas oo Garoowe lagu soo dhaweeyey

Published: July 3, 2023

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Raysalwasarihii hore ee Soomaaliyar Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe.

Waxaa garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey Xidhibaano federaalka ah iyo kuwo heer Puntland ah, waxaan ka dhex muuqan soo dhaweynta xukuumadda Puntland.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in ay dib ugu soo noqdeen gurigoodi, haddii xaalad ka taagan tahayna ay qayb ka noqdaan xalinta, wuxuu sheegay in codsi bulshada uga yimid darteed ay u yimaadeen, waxa uu soo qaatey shaqaaqooyinkii ka dhacay Garoowe taas oo loo baahan yahay in laga gaaro xal waara, mar walba xaalad kala guur ah markii la galo shiddo waa timaadaa ayu yiri, waxaana rabnaa Puntland oo nabad ah oo wanaagsan oo mid la yahay la gaaro xiligii doorashada.

Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay, in xil ka saaran yahay haddii dhib jirto sidii ay xal waara loo heli lahaa.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Puntland wax badan looga dayan doono oo ah doorashooyinka wanaagsan ee dhacay, inta harteyna ay noqoto wax wanaagsan oo looga daysado.

Raysalwasare Cumar ayaa sheegay in Puntland looga bartey waxkasta oo dhaca is-af-garad ay ku dhamaadaan oo wada adal looga gudbo.

Waxaa lagu wadaa in Garoowe dhawaan uu ka furmo shir ay isugu yimaadaan isimmada Puntland kuwaas oo jid-bixin laga sugaayo, kadib markii maamulka hadda jiraa muddo xileedkiisi ay ka hartey shan bilood oo keliya, ilaa haddana aysan ku guuleysan in ay caddeeyaan sida loo qaban doono doorashooyinka soo socda.

Horseed Media