Cumar Cabdirashiid oo DFS ku dhaliilay inay ka gaabisay caawinaadda reer Beledweyne

Published: November 2, 2019
Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa dowladda ay horseedka ka yihiin Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaa uu ku dhaliilay qaabka ay dowladdu wajaheyday xaalada ka taagan magaalada Beledweyne.

Cumar, ayaa sheegay in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka  midkood looga baahnaa in uu tago magaalada, si astaan wanaagsan ugu noqonto gurmadka iyo gargaarka heerka caalami ee socda.

‘’Astaanka ugu wanaagsan gurmadka loo fidinayo dadka reer Beledweyne waxey noqo laheyd haddii uu halkaa tagi lahaa madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha midkood, iyaga oo ku soo jeedinaya idhaha deeq bixiyayaasha xaalada adag ee magaalada ka jirta,’’

ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

‘’Marka ay masiibooyinka oo kale dhacaan dowladda iyada ayaa laga rabaa in markiiba jawaab deg deg ah ka bixiso, dadkaasi waxey u baahan yihiin gargaar ku kacaya qiyaastii 5,000,000 dollar dowladda xitaa haddii aysan heyn waa in ay soo deysataa, marka danbe lacagtaa deynta ah xooggeeda waxaa lagu bixinayaa lacagaha iyo deeqaha kale ee hadda la uruurinayo’’

ayuu sheegay Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Cumar Cabdirashiid wuxuu cadeeyay in xiligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa mar sidan oo kale magaalada ay soo martay fatahaad, balse ka baaxda yareyd tan hadda oo khasaaraheedu aad u badnaa.

’’Magaalada Beledweyne fatahaddu wey ku badatay, Anniga waqtigii aan Ra’iisal Wasaaraha ahaa mar ayeey sidan oo kale soo martay inkastoo ay ka saameyn iyo khasaare-ba yareyd tan hadda, waxaan is leeyahay waxaa muhiim ah in la helo qorshe biyaha mar walba magaalada ku soo rogmada  looga weecin karo’’

ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hay’addaha caalamiga ayuu dhankooda ugu baaqay in ay qaabeeyaan gargaarka iyo deeqaha loogu talagalay fatahadda si loo hubiyo in dadkii mudnaa la gaarsiiyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *