Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo horey laba jeer dalka uga soo noqdey raysalwasaare ayaa walaac ka muujiyey sida malayshiyaadka argagixisada ah ee Daacish ay ugu xoogeystatey Puntland.
Raysalwasaare hore Cumar oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay in shantii sano ee u danbeysey Daacish ay ku soo xoogeysteen deeganadaas, iyaga oo ka imaanaya dalka dibadiisa, sidoo kale ay gudaha ka qoranayeen malayshiyaad.
“… Soomaaliya dhibaatada ay ka degi la’dahay waa xag-jirnimada, waxayna u baahan tahay in laga wada shaqeeyo, ciidamo nabad ilaalin u yimid dalka inooma qaban karaan in ay wax ka qabtaan xagjirnimada caqabada ku ah dowladnimadeena ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Mar wax laga weydiiyey saameynta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdiso uu ku yeelan karo dagaalka ka dhanka ah daacish, ayaa Cumar Cabdirashiid sheegay in y tahay caqabad muuqata laakiin la doonaayo in dowladda federaalku qaadato doorkeeda, oo waxa ugu muhimsan ee dagaalku u baahan yahay waa sahayda ee ciimada Puntland la gaarsiiyo sahay.
“…..Dagaal sidiisaba waa sahay, sahaydaas haddii dowlad goboleedyadu aysan helin waa dhibaato iyo culeys, dowladda dhexe waxay ahayd in ay door ciyaarto, taageerada mileteri ee magaca Soomaaliyeed lagu helo waa in ay bixiyaan oo gaarto dowlad goboleedyada, waana meelaha laga heshiin karo …”
Raysalwasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dagaalku bilowdey hadda oo aan laga gaari karin xalinta khilaaf muddo soo jiitamaayey, sidaas darteed dagaalkan laga wada shaqeeyo, haddii taas la sameeyo waxay keenaysa in khilaafka kale la xalin karo dagaalka kadib.