Cutubkii ugu horreeyey ee Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo Muqdisho gaaray

Published: December 21, 2022
Shares18

Diyaarad siday Cutubkii ugu horeeyey oo kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu Tababaray dalka Eritrea, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cutubyadaan soo gaaray maanta Muqdusho ayaa waxa ay hordhac u yihiin 5,000 askari kuwaas oo tababar loogu qaaday Dalka Eritrea.

Ciidankan ayaa in kabadan seddex sano tababar ugu maqnaa dalka Eritrea oo ay u dirtay dowladdii hore ee uu Hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor sheegay in Ciidanka ugu horreeyay ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan dhammaadka Bishaan December ee Sanadkaan, balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood Dalka lagu wada soo celin doona.

Horseed Media