Czech:Nin Lix Qof Ku Dilay Cusbitaal

Published: December 10, 2019

Ugu yaraan lix qof ayaa geeriyootay ka dib markii uu Nin hubaysan uu rasaas ku furay dad ku sugnaa qaybta qaabilada ee Cusbitaal ku yaal bariga wadanka Czeck ee qaarada Yurub

Ninkan oo aan weli la aqoon magaciisa iyo haybtiisa ayaa baxsaday. Ra’isul wasaaraha Czech Andrej Babis oo ku sii jeeda halka uu shilku ka dhacay ayaa falkaasi cambaareeyay, wuxuuna sheegay in Ninka dilka gaystay uu dadka madaxda ka toogtay

Warbaahinta gudaha wadanka ayaa sheegtay in goobta uu shilku ka dhacay lagu xiray qof looga shakinsan yahayn inuu yahay qofkii dilka gaystay, hase yeeshee Booliisku weli ma xaqiijin in la qabtay ninkii dilka gaystay iyo in kale

Cusbitaalka uu shilku ka dhacay ayaa ku yaal magaaladda magaalada Ostrava oo 350 kilometres dhinaca bari ka xigta caasimadda Czech ee Prague ee qaarada Yurub.

Booliiska ayaa kor u qaaaday guud ahaan ammaanka wadanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *