Daacish oo sheegatay weerarkii lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka Cumaan

Published: July 17, 2024

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay masaajid Shiicada ee ku yaalla caasimadda dalka Cumaan ee Muscat.

Weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan askari booliis ah iyo saddex dabley ah, halka dhaawac uu soo gaaray 28 qof oo kale gelinkii dambe ee Isniintii.

Kooxda Daacish ayaa weerarkaasi ku sheegatay qoraal ay soo dhigtay barteeda Telegram Talaadadii shalay.

Falkan ayaa ah midkii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ka dhaca wadankaasi oo kamid ah dalalka ugu xasilloon Bariga Dhexe.

Afar qof oo u dhashay Pakistan ayaa kamid ah dadka lagu dilay weerarkaas, sida ay sheegeen saraakiisha safaaradda Pakistan ee Cumaan.

Masaajidka weerarka lagu qaaday ee Imam Cali ayaa kamid ah goobaha cibaadada ee Shiicada dalkaasi ku nool, iyadoo lagu soo beegay xuska maalinta Ashura.

Horseed Media