Daacish ayaa weerar gaadmo ah oo loo adeegsadey gaari qarax lagu soo xirey la beegsadey saldig Ciidanka Puntland ku lahaayeen Dharjaale.
Subaxnimadii hore ee Salaasada maanta ah ayaa koox ka tirsan argagixisada Daacish waxay weerar ku soo qaadeen saldhigga Ciidanka Difaaca Puntland ee Dharjaale. Weerarka ayey u adeegsadeen gaari bom lagu soo xirey, kadib waxaa ku xigey koox ka tirsan Daacish oo weerar toos ah ku qaadey taliska Dharjaale, kuwaas oo CDP ay iska caabiyeen.
Tuulada Dharjaale ayaa dhacda wadada degmada Iskushuban, waana halka dhawaan ciidamada difaaca Pntland ay ku soo bandigeen dhoolatuska.
Wararku waxay sheegayaan in gaariga qaraxa lagu soo xirey uu sababay dhimashada afar askeri dhaawac kale uu jiro. Xogtu waxay sheegaysaa in Ciidamada Difaaca Puntland ay ku raadjoogaan kooxdii gaariga qaraxa ah daba socotey oo weerarka fulisey kuwaas oo qaarkood laga qabtey, qaarna la dilay.
Sawiro laga soo qaadey meydka laba kamid ah argagixisada Daacish ayaa muujinaya in labaduba ay yihiin ajnabi, mid waxa uu ka soo jeedaa dalalka carabta halka kan kale uu ka so jeedo Itoobiya, waxaana ay xirnaayeen direyska ciidamada difaaca ee Puntland.
Maalmihii u danbeeyey waxaa isa soo dhiibey dhalinyaro ka tirsaneyd Daacish kuwaas oo ka faa’ideysanaya baaqii loo jeedyey, laakiin wararku waxay sheegayaan in kuwa argagixisada ahaa ee isa soo dhiibey ay joogen Dharjaale oo la isku dayey in dib loogu adeegsado kooxdii ay ka soo baxeen iyada oo aan la aqoon ujeedada ay isu soo dhiibeen.
Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegaya in weerarkan ismiidaaminta ah ee Daacish ay iyagu soo qaadeen uu yahay naflacaari, maadaama ay ogaayeen muddo dheer ciidamada Puntland ay isu diyaarinayeen in ay godadka Calmiskaad ugu galaan.
HORSEED MEDIA