Daafaca Jarmalka Antonio Rüdiger ee Muslimka ah ayaa dacwad ka gudbiyey tifaftirihii BILD

Published: March 27, 2024
Shares2

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka Antonio Rüdiger ayaa dacwad sumcad dil ah ku soo oogay wariye ku eedeeyay inuu taageeray xagjirnimada Islaamka.

Daafaca xulka qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid ee Antonio Rüdiger iyo xiriirka kubbada cagta Germany ee DFB ayaa bilaabay dacwado dhanka sharciga ah oo ka dhan ah tafatirihii hore ee wargeyska BILD kaas oo ku eedeeyay ciyaartoyga inuu taageero u muujiyay xagjirnimada islamka ah qoraal uu soo dhigeen bartiisa bulshada bilashadii bisha Ramadaanka.

Antonio Rüdiger ayaa ah Muslim ku dhaqma diinta Islaamka, waxaana uu ka mid yahay daacafyada maanta ugu wanaagsan kubadda cagta ee caalamka.

11-kii Maarso, bilowgii bisha soonka, Rüdiger waxa uu soo dhigay sawir isaga oo ku jilba joogsan sijaayadda salaada oo xiran khamiis cad oo fartiisa midig uu kor u taagayo, oo ay la socoto ciwaan: “Ramadaan Mubaarak dhamaan muslimiinta caalamka waxaan leenahay allaha naga aqbalo soonkii iyo ducadaba.

Laba toddobaad ka dib markii uu farta taagey, ayaa Rüdiger loo magacaabay safka hore ee ciyaartii Faransiiska ee Jarmalka guushu ku raacdey guushii 2-0, saxafiga Julian Reichelt, tafatirihii hore ee wargeyska Jarmalka ee BILD, qoraal uu ka qorey wuxuu qabsaday baraha bulshada ee X, isagoo ku andacoonaya in farta Rüdiger ee kor loo taagay ay ka dhigan tahay ficil Islaami xagjir ah.

Rüdiger iyo Xiriirka Kubadda cagta ee Jarmalka ee DFB waxay qaadeen tallaabo maalintii Isniintii, wuxuu u gudbiyay kiis dacwad oogayaasha Berlin oo la xiriirta sumcad-dil, kicin iyo nacayb, sidoo kale Xiriirka kubadda cagta ee jarmalka DFB oo kiiska u gudbiyay Qaybta Dhexe ee Xakamaynta Dembiyada Internetka ( ZIT) ee Frankfurt.

Hanad Askar – Horseed Media