Dab qasaare geystay oo ka kacay suuq Ganacsiga Degmada Hodan

Published: January 2, 2022

Dab geystay Qasaare balaaran ayaa saaka ka kacay suuqa ganacsiga ee Degmada Hodan gaar ahaan xaafada Seybiyaano Magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo bilowday abaare 8:00 subaxnimo ee saakay ayaa ku faafay Bakhaaro ganacsi oo u dhowaa goobta dabka ka kacay oo ahayd Maqaaxi waxaana gabi ahaanba basbeelay Bakhaaradii meesha ku yaalay oo ahaa kuwii ugu waaweynaa ee xaafadaasi ku yaalay.

Goobta dabku ka kacay ayaa waxaa soo gaaray gadiidka dab damiska waxa ayna ku qaatadatay ilaa saddex saacadood inay damiyaan dabkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Baanadir iyo Masuuliyiin uu hogaaminayo oo soo gaaray goobta ayaa sheegay in dabka intiisii badmeed hada la damiyay ayan dib ka soo sheegi doonaan qasaaraha uu geystay iyo waxa uu ka dhashay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *