Dab xoogan oo ka kacay qeybo ka mid ah iskuulada Kenya ayaa waxaa ku dhintay 17 qof

Published: September 7, 2024

Dab ayaa dilay 17 wiil kadib markii uu ka kacay qeyb ay jiifeen oo ku yaala bartamaha dalka Kenya, saacadihii hore ee Jimcihii, sida ay booliisku sheegeen.

“Waxaan ku aragnay halkaas dhowr caruur ah oo gubtay,” Phillip Gathogo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warfidiyeenka.

“Nasiib ayaan ku helay inaan mid ka mid ah badbaadiyo, balse waxaan maqlay inuu dhintay markii dambe, waxay ahayd arrin murugo badan oo murugo leh.” ayuu sii raaciyey.

Dabka ayaa ka kacay machad lagu magacaabo Hillside Endarasha Academy oo ku yaala magaalada Nyeri oo ah dugsi hoose oo ay dhigtaan arday da’yar oo wax ka barata meel qiyaastii 150 km (93 mayl) u jirta caasimada Nairobi.

Afhayeenka dowlada Isaac Mwaura ayaa sheegay in wiilashu ay ku jireen fasalada 4 ilaa 8, iyaga oo da’dooda ka dhigay ilaa 9 ilaa 13 sano jir. Wuxuu ku sheegay bayaan uu soo saaray qolka jiifka 156 arday.

“Waxaan ku waynay 17 arday dhacdada dabka halka 14 ay ku dhaawacmeen,” afhayeenka bilayska Resila Onyango ayaa yidhi. “Kooxdeena waxay ku sugan tahay goobta xilligan.”

Madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in 70 arday aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, inkastoo uu intaa ku daray in qaarkood laga yaabo in waalidiintooda ay guriga u kaxeysteen habeenkii.

Horseed Media