Dabley hubaysan oo qoys ka kooban shan ruux ku laayay degaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Published: November 29, 2022
Shares24

Dabley hubaysan ayaa Qoys ka kooban shan ruux xalay ku laayay degaan ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe. 

Qoyskan ayaa sida laga soo xigtay dadka degaankaas lagu laayay tuulada Xaluule, oo ka tirsan degmada War-sheekh ee gobolkaasi. 

Marxuumiinta oo dhammaantood rayid ahaa sida wararku sheegayaan loo laayay aanooyin la xiriira colaad qabiil oo ka aloosan degaanka. 

Dabley hubaysan oo dil-wadareedkan fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana weli laguma guulaysan in gacanta lagu dhigo.

Horseed Media