Dacwad Kufsi ah oo caalamka argagax ku abuurtay oo ka bilaamatey dalka Faransiiska

3 hours ago

Dominique Pelicot iyo 50 nin oo kale oo lagu eedeeyay kufsiga Gisele Pelicot ayaa ogaan doona aayahooda. Gisele Pelicot ayaa ku baaqday isbeddel bulsheed oo ku saabsan hab-dhaqanka kufsiga

Garsoorayaal ku sugan magaalada Avignon ee dalka Faransiiska ayaa maanta oo Khamiis ah xukun ku ridaya 51 nin oo lagu eedeeyay kufsi wadareed, kufsiga ayaa loo geystey haweeney hadda 72 sano jir ah, waxaana kufsigu dhacay 2011 ilaa 2020.

Ku dhawaad ​​toban sano, haweeyenda lagu magacaabo Gisèle Pelicot waxaa daroogeeyey ninkeedii hore Dominique, kaas oo markaas ku casuumay daraasiin rag ah oo uu online ka qoray si ay ugu galmoodaan sariirteeda guriga iyada oo suuxsan oo aan ogayn.

Dominique Pelicot ayaa qirtay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay – daroogada iyo kufsiga xaaskiisa iyo inuu shaqaaleysiiyay tobanaan rag ah si ay u kufsadaan xaaskiisa kadibna uu ka duubay muuqaalo.

Dacwad oogayaasha ayaa doonaya in garsoorayaasha ay ku xukumaan ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo lagu soo oogayo “kufsiga daran”, ragga kale ee la maxkamadeeyay waxay beeniyeen waxa ay ku kaceen ee ah kufsiga, laakiin dhamaantood waxaa laga aqoonsadey muuqaaalada uu duubay Dominique.

Romain V, oo 63 jir ah, ayaa wajahaya 18 sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga. Waxaa lagu eedeeyay inuu kufsaday Gisèle Pelicot lix jeer oo kala duwan isagoo og inuu qabo HIV.

14 kamid ah 51-ka nin ee dacwadda lagu oogaayo ayaa qirtey in ay danbiga kufsiga ah kula kaceen Gisèle Pelicot iyada oo daroogaysan oo aan ka warqabin.

Sidee wax u dhaceen?

Intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2020, ninka lagu magacaabo Dominique Pelicot waxa uu xaaskiisa siinaayey dawooyin dejinta iyo kaniiniyada hurdada iyada oo aan ogayn, waxa uu ka dhigaayey budo oo uu ku daray cuntada iyo cabitaan.

Haweeyneydaa Gisèle Pelicot waxa soo gaarey xusuusta oo ka tagtey iyo dawakhaad oo ay la dhibaneyd 10 sano oo nolosheeda ka mid ah oo ka luntay.

Ugu dambayntii waa la qabtay Dominique Pelicot, waxaana qabtey nin waardiye ka ahaa goob dukaamo ku yaaleen waxaana uu ku wargeliyay booliiska inuu sawiro ka qaaday goonada hoosteeda dumarka dukaanka ku jirey.

Booliska oo baaritaan ku sameeyey telefonkiisa iyo kumbuyuutarka guriga u yaaley ayaa laga helay boqolaal muuqaal oo uu ka duubey Xaaskiisa oo niman kale iyo isaguba ay kufsanayaan Gisele Pelicot oo suuxsan.

Gisele Pelicot, oo 72 jir ah, waxa ay la kulantay ninkeeda iyada oo da’yar, waxa ay is guursadeen 1973. Waxay isu dhaleen saddex caruur ah. Waxa ay is fureen muddo kooban horraantii 2000-meeyadii sababo dhaqaale dartood, balse way sii wada noolaayeen oo dib ayey isu guursadeen dhawr sano ka dib.

HORSEED MEDIA