Gobolka Karkaar oo taageeray ciidanka difaaca Puntland

4 hours ago

Mamaulka gobolka Karkaar ayaa 250 neef oo ari ah ku wareejiyey ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan Carmo.

Xoolahan oo laga soo ururiyey deeaanada Gobolka Karkaark ayaa ujeedkiisu yahay dhiirigelinta ciidanka iyo taageero, si loo cirib-tiro kooxa ajaanibta u badan ee Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaat.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan, iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay weheliyaan Duqa Degmada Bandar-Bayla, iyo Nabadoono ayaa xoolahan ku wareejiyay ciidamada difaaca.

Wasiirka Amniga Puntland, Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Baakiin), Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Puntland Yuusuf Maxamed Wacays ayaa si rasmi ah ula wareegay ariga dadka reer Karkaar u soo ururiyeen ciidanka.

Wasiirada ayaa u mahadceliyay degmooyinka Qardho, Shaxda, iyo Bandar-Bayla oo ku taageeray ciidamada difaaca Puntland xoolahan. Sidoo kale, waxay ka codsadeen degmooyinka kale inay garab istaagaan ciidankooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dhawaan sheegay in la is garab istaago hawlgalka ka dhanka Daacish oo ciidamada lagu taaro waxkasta oo looa woodo.

HORSEED MEDIA