Dacwad-oogaha Maxkamada ICC oo codsaday Waaran lagu soo xirayo hogaamiyayaasha Israel iyo Xamaas

Published: May 21, 2024

Dacwd-oogaha Maxkamada Danbiyada Dagaal ee Caalamiga ah ICC ayaa si rasmi ah u gudbiyey codsiga Waaran lagu soo xirayo Raysalwasaaraha Israel, Wasiirka Difaaca Israel iyo Madaxda ururka Xamaas oo lagu eedeeyey xasuuqa ka socda Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Karim Khan ayaa codsigiisa rasmiga ah u gudbiyey Garsoorayaasha Maxkamada ICC isagoo dowlada Israel ku eedeeyey Xasuuqa ay ka wado Gaza iyo danbiyada dagaal ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Xubnaha la doonayo in waaranka loo jaro ayaa kala ah;

Benjamin Netanyahu (Raysalwasaaraha Israel)
Yoav Gallant (Wasiirka Difaaca Israel)
Ismail Haniya (Madax Siyaasada Xamaas)
Yahya Sinwar (Hogaamiyaha Xamaas ee Marinka Gaza)
Mohammed Diab Ibrahim AL-MASRI (Deif) oo ah Taliyaha Militariga Xamaas ee Al Qasaam.

Dacwad-oogaha ICC ayaa dhinaca kale diiday inuu aqbalo codsiga uga yimid Mareykanka oo horey ugu baaqay inaan la dacween madaxda Israel, iyadoo waliba senatorada Mareykanka oo gaaraya 12 ay waraaq hanjabaad ah u direen Karim Khan inuusan dacwad kusoo oogi karin Benjamin Netanayahu iyo Militariga Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay gelinkii danbe khudbad soo jeediyey ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay kasoo horjeedo waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo wasiirkiisa Difaaca, isagoo sheegay in aan la isla barbardhigi karin Israel iyo Xamaas, wuxuuna intaasi raaciyey inaysan jirin wax xasuuq ah oo ka dhacay Gaza.

Garsoorayaasha Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa laga sugayaa go’aanka codsiga Dacwad-oogaha, hadii ay aqbalaan waarankan lagu soo qabanayo hogaamiyayaasha lagu eedeeyey xasuuqa Gaza, waxaa adkaan doonta in hogaamiyayaashasi ay safaro ku tagaan inta badan dalalka Adduunka ee iyagu saxiixay xeerka lagu dhisay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC.

Horseed Media