Dad badan ayaa ku dhintay shil bas oo ka dhacay Brazil

6 hours ago

13 qof oo kale ayaa loo qaaday cusbitaalka ka dib markii gaadhigu ku dhacay gaadhi xamuul ah kadibna uu dab qabsaday

Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo “naxdin leh” oo dhex maray bas iyo kuwa xamuulka qaada gobolka Minas Gerais ee dalka Brazil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, iyada oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan waaxda dab-damiska oo goobta soo xaadiray.

13 qof oo kale ayaa loo qaaday isbitaallada u dhow magaalada Teófilo Otoni.

Maamulka ayaa sheegay in baska oo ka tagay magaalada São Paulo ay saarnaayeen 45 rakaab ah uu ku qarxay taayirka, taasi oo keentay in darawalka uu koontarool ka baxo oo uu ku dhaco gaari xamuul ah.

Baabuur kale ayaa markaasi ku dhacay baska, balse dhammaan saddexdii qof ee la socday ayaa badbaaday, sida ay sheegtay waaxda dab-damiska. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhimashada ugu badan ay timid kadib markii baska dab qabsadey.

Guddoomiyaha Minas Gerais Romeu Zema ayaa ku qoray barta X in dowladda gobolka loogu baaqayo in ay caawiyaan dadka shilku soo gaarey oo ay siiyaan qoysaska dhibanayaasha taageerada ugu wanaagsan ee suurtagalka ah ee wax looga qabanayo masiibada, “gaar ahaan maadaama ay dhacdo wax yar ka hor fasaxa munaasabadda Kiristmas-ka”.