Dad Haraad iyo Gaajo ugu geeriyoodey Goboladda Dhexe.

Published: March 7, 2017

Iyadoo xaaladda abaarta ee Soomaaliya ay maalin maalinta xigta ka sii daraysay ayaa Waxaa markii ugu horeysay goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa gaajo iyo haraad ugu dhintay dad reer Guuraa ah ,kuwaasoo abaarta jirta si ba`an ay u samaayasay.

Deegaanada ku xeeran degmada Balanbal ee gobolka Gal-guduud waxaa laga soo sheegayo in ay u dhimatay gaajo iyo haraad gabar ka mid ah dadka reer guuraaga ah sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta dowladda federaalka dad u gurmaday qoyska ay ka baxday gabadhaas.

Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle, oo la hadlay Wakaaladda Sonna ayaa sheegay in hada ay bilaabatay dhimashada dadka kadib markii ay horey u dhaaftay duunyadii ay ku noolaayeen, waxaana uu sheegay inay ka cabsi qabaan in cuduro iyo macaluul ka dhalatay abaarta ay kordhiso dhimashada dadka.

dhinac kale, Xafiiska qaramada midoobay u Qaabilsan Isku duwida Gargaarka ee OCHA ayaa sheegay 196 qof ay u dhinteen cudurka Daacuunka tan iyo bilowgii sanadkan, waxay kaloo sheegeen in Sideed kun oo Kiis oo cudurka Daacuunka laga soo wariyay Somaliya isla sanadkan.

Gabagabadii, Guddiga Culumadda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay afar maalmood oo Soon ah iyo hal maalin oo dhammaan goboladda dalka laga oogo Salaad Roob doon ah oo ilaahay looga beryayo in umadda muslimiinta ee soomaaliyeed ee Abaarta saamaysay ilaahay uga qaado,loona duceeysto.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *