Dad ku dhaw 1000 qof oo laga badbaadiyey Badda Dhexe.

Published: March 3, 2017

970 qof oo tahriib ku socdey ayaa laga badbaadiyey Badda Dhexe meel ka baxsan biyaha dalka Libya. Hawlgalka lagu badbaadiyey dadkan ayaa waxaa ka qayb-qaatey hay’adda ilaalinta xeebaha talyaaniga.

Dadka la badbaadiyey ayaa lagu soo raray afar doonyood oo ka sameysan caag, iyo mid ka samaysan qori oo aad ciriir u ah.

Sidaan si lamid ah ayaa banaanka xeebaha dalka Giriiga laga soo badbaadiyey 85 qof oo ku socdey Doon nooceedu yahay kuwa shiraaca loo xiro, waxaana la geeyey magaalada Kalamata.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *