Dad ku dhintay Duufaan ku dhufatay dalka Mozambique

Published: March 12, 2023

Roobab, dabeylo xooggan iyo daadad ayaa hareeyay dalka Mozambique,

iyadoo duufaantii Freddy ay soo gaartay, markii labaad muddo bil gudaheed ah.

Dalkan ku yaalla dhanka koonfureed ee qaaradda Afrika, ayaa waxaa ka da’ay roob xadigiisu badan yahay, sanad iyo afartii toddobaad ee la soo dhaafay.

Freddy ayaa waxaa laga yaabaa inay noqoto duufaantii ugu xiliga dheerayd ee la diiwaan geliyo, iyadoo asalkeedii ka timid waqooyi-galbeed ee Australia 34 maalmood ka hor.

Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, taasoo tirada dhimashadu ka dhigaysa ugu yaraan 28, tan iyo markii ay duufaantu markii ugu horreysay soo gaartay dalkani.

Dadka ayaa laga dalbaday inay u guuraan hoy ku meel gaar ah oo ay ku jiraan iskuullo, bakhaaro iyo goobo kale.

Horseed Media