Ugu yaraan laba qof oo ku geeriyooday Dagaal ka dhacay Cadaado Galmudug

Published: January 17, 2017

Ciidamada nabadsugidda ee daacadda u ah Madaxweynaha Galmudug ee xilka laga qaadey Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta weerar ku qaadey guri ay shir kulahaayeen Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, kadib markii loo diidey xaruntoodi hore.

Ciidamo Boolis ah oo tageersan xil ka qaaidsta Guuleed oo waardiye ka ahaa xarunta kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Galmudug ayaa iska caabiyey weerarkii ay qaadeen ciidamada weli daacadda u ah Guuleed. Wararka Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in ugu yaraa laba qof ay ku geeriyootey qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa istaagey kadib markii waxgaradka magaaladu ay kala dhex galeen, waxaana maanta ka taagan xiisad aad u kacsan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii Axadda doortey guddiga doorashada ee Madaxweynaha, waxaana maanta lagu wadey in guddigu soo hordhigo Baarlamaanka xiliga doorashada la qabanaayo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ilaa hadda diidan in uu u hoggaansamo go’aanka baarlamaankiisu qaatey waxaana uu ku tilmaamey mid sharci darro ah in xukunka qaabkaas looga qaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *