Dad ku geeriyooday fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne

Published: November 15, 2023
Shares60

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga ee magaalada Baladweyne, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh. Halka dhowr marna ay jabsadeen biya xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid hantiyeed.

Guddoomiyaha degmada Nadar ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. Waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha.