Dad Lagu Tuhmay Qarax ka dhacay Baladweyne Oo La Qabqabtay

Published: August 19, 2020

Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne .

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey oo warbaahinta dowladda federaalka la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa, wuxuuna xusay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa, baaritaana ay ku wadaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka tacsiyadeeyay dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay Baladweybe, wuxuuna sheegay in kooxaha argagaxisadu beegsaneyso goobaha ay shacabku isugu yimaadaan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay afaafka hore ee garoonka kubbada cagta Laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *