Dadka ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo wajahaya Xaalad-adag

Published: November 18, 2023

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka, waanna badweyn gudaheeda markaad eegto biyaha wada gaaray.

Xaafadda kooshin gaar ahaan waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Baladweyne, waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, waa go’doon, malahan meel ay degaan, waxay baco ku xirteen biyaha dhexdooda, sariiro ay dhigteen oo ay ku jiiftaan, waxaana sariiraha hoostooda maraya, sida muuqaalka idin kaga muuqda biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Daruufo adag ayaa hayso qoysaskan oo ay ka mid yihiin hooy, hu’ iyo hunguri ay cunaan, warbaahinta qaranka oo booqatay goobaha ay qoysaskan ku dhaqan yihiin ayaa lagu arkayaa carruur ku jiifa sariir hoostooda ay biyo marayaan.

Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaskan ayaa warbaahinta qaranka u sheeegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda, waxayna bannaakaas ay ku sugan yihiin marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada, wuxuuna baaq u diray Dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

” Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka El-Nino.

Sannadihii ugu dambeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxay dhibane u ahaayeen daadadka soo noq-noqday ee wabiga Shabeelle,qaraxyo murugo reebay oo ay geysteen argagixisada iyo daadadka ka dhashay roobabkii da’ay, kuwaas oo dhibaatooyinka kala duwan u geystay shacabka.

Daadadka Baladweyne ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.