Dadka Maraykanka oo maanta kala dooranaya Kamala Harris iyo Donald Trump

5 November, 2024

Malaayiin qof oo dadka Maraykanka kamid ah ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta doorashada Madaxweynaha, Kongresska…

Malaayiin qof oo dadka Maraykanka kamid ah ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta doorashada Madaxweynaha, Kongresska iyo Aqalka Senate-ka.

Waxaa soo dhamaatey olole doorasho oo aad u dheer kaas oo la yaablahaa. Musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris oo aan horey ugu riyoon in ay Dimqoaraadiga musharax u noqon doonto ayaa beddesey musharixii hore ee Joe Biden bilo ka hor maalinta doorashada, kadib markii uu Biden ku fashilmey doodii ugu horeysey ee uu la galay Donald Trump oo la ogaadey xaaladiisa caafimaad.

Gobolka New Hamshire ayaa noqdey halka ugu horeysa ee codbixintu ka bilaamato, kadib waxaa ku xigi doona gobolka Vermont iyada oo xeebaha bari ay ka wada horeyn doonaan xeebaha galbeed.

Goobaha codbixinta ee ugu dambeeya ee USA waxay xirmayaan 07:00 subaxnimo maalita Arbacada wakhtiga Soomaaliya.

Ilaa hadda 77 milyan oo qof ayaa codkooda horey u dhiibtey kuwaas oo tirintoodu maanta bilaameyso. Wadar ahaan ilaa 240 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan.

Kamala Harris iyo Donald Trump labaduba waxay ku qabteen dhamaadka oloahooda doorashada gobolka muhiimka ah ee Pennsylvania Isniintii, waa gobol muhim u ah midkastaa in uu ku guuleysto.

Qiyaasta guusha labada musharax ayaa ilaa hadda ah mid aad isugu dhaw, waxaa la aaminsan yahay in ku dhawaaqidda natiijadu ay wakhti qaadan doonto, laakiin la ogaan doono maalinta Arbacada ah cidda guusha loo saadaalin karo.

Haddii Kamala Harris la doorto waxay noqon doontaa mid taariikhda gasha waxayna noqon doonaa haweeyneydii ugu horeysey ee Maraykanka Madaxweyne ka noqota, taas oo Aabeheed ka soo jeedo Jamaica halka hooyadeed ka oo jeedo Hindiya.

Donald Trump haddii uu guuleysto waxa uu noqonayaa Madaxweynihii labaad kadib Grover Cleveland ee xafiiska dib ugu soo noqda mar labaad isaga oo madaxweyne kale u dhexeeyey labadiisa muddo xileed.

Taageerayaasha Donald Trump ayaa sheegaya haddii Kamala Harris la doorto in aan maraykanka doorasho danbe laga qaban doonin oo lagu kala tegaayo dalkuna khatar ku sugan yahay. Dhanka kale Dimoqraadiga ayaa ku doodaya haddii Donald Trump la doorto in uu noqon doono keligii taliye.

Hanad Askar
Horaeed Media