Dadka Sweden ayaa maanta u dareeray doorashada Baarlamaanka iyo tan maxaliga ah.

Published: September 11, 2022

Qodobo ay tahay in aad ogaato:

  1. Goobaha codbixinta ee dalka Iswiidan waxay furmaan 8-da subaxnimo xilliga Iswidhan waxayna xirmaan 8-da fiidnimo
  2. Tirinta codadka ayaa isla markiiba bilaabanaysa kadib marka ay xirmaan goobaha cod bixinta.
  3. Natiijooyinka hordhaca ah ee ugu horreeya ee tirinta codadka ayaa la soo bandhigay qiyaastii 22 ilaa 23 waqtiga Iswiidhan.
  4. Waxaa kaloo maanta dhacay doorashooyin heer degmo iyo heer gobol. Iswiidhan waxay u qaybsantaa 20 gobol iyo 290 degmo.

Dalka Sweden ayaa maanta oo Axad ah ay ka dhacaysa doorasho lagu dooranayo xildhibaanada baarlamaanka oo ka kooban 349-kursi iyo sidoo kale xafiisyada maxalliga ah ee gobolada iyo degmooyinka.

Codaynta hordhaca ah waxay bilaabatay Agoosto 24, waxaana boostada codkooda ku dhiibtey dad gaaraya 2.5 milyan oo qof.

Xisbiga Socialdemokraati ayaa talada dalka haya tan iyo sanadkii 2014-kii, balse sumcada xisbiga ayaa hoos u sii dhacday, markii ay hogaanka u qabteen dowlad daciif oo aan ku dhisneyn aqlbaiyad oo ku tiirsan xisbiyada kale si ay u soo saaraan sharciyo, taasoo abuurtay xasilooni darro siyaasadeed sideeddii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jira laba koox oo waaweyn: mid afar xisbi ku leh bidixda oo ay hoggaamiyaan Sooshal Dimoqraadiga, ama Isbahaysiga casaanka. iyo mid kale oo leh afar xisbi oo midig ah oo ay hoggaamiyaan Modaraantanka ama hantigoosadka.

Codbixinta doorashada ka hor ayaa sheegaysa in aan la saadaalin karin.

Sida uu qabo sharciga Sweden, xisbiga ku guulaysta kuraasta ugu badan ayaa soo dhisa dowladda soo socota. Sadaasha ayaa muujineysa in tani ay u badan tahay inuu yahay xisbiga Sooshal Dimoqraadiga ee ay hoggaamiso Magdalena Andersson.

Doorashada sanadkan waxaa hareeyey arrimaha kooxaha burcadda ah ee Iswidhan ka kacay oo dad badan ku dhinteen rabshadahaas, siyaasadda soo galootiga, iyo qiimaha tamarta ee kor u kacay.

Goobaha codbixintu waxay furmeen 8:00 subaxnimo (0600 GMT) waxayna xirmayaan 8:00 fiidnimo, natiijada kama dambaysta ah waxay ku beegan tahay saqda dhexe.

Xisbiga midigta fog ama xagjiriinta ah ee SD ayaa loo saadaalinayaa in natiijo ka wanaagsan doorashooyinkii hore ay keenayaan, iyagu waxay isku tirinayaan in ay noqon doonaan Xisbiga ugu weyn ama kan ugu weyn ee kuwa midigta.

Xisbiga xagjirka ah ee SD ayaa ku guuleystay 13% codadkii la dhiibtay doorashadii 2018, isagoo noqday awooda saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka.

Natiijooyinka hordhaca ah ee ugu horreeya ee tirinta codadka ayaa la soo bandhigay qiyaastii 22 ilaa 23 waqtiga Iswiidhan, ama saqda dhexe ee Soomaaliya.

Soomaali badan ayaa ka qaybgalaysa doorashooyinka goloyaasha deegaanka, kuwa gobolada iyo weliba kuwa Baarlamaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *