Dadkii ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Hiiraan oo la geeyey Muqdisho

Published: January 15, 2023
Shares6

Magaalada Muqdisho waxaa la geeyey dad badan oo dhaawacyo halis ahi ay ka soo gaareen qaraxyo shalay ka dhacay magaalada Buula-burde.

Shaley ayay aheyd markii labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen magaalada Jalalaqsi, halka Buula-burde uu ka dhacay qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo rakibay walxaha qarxa.

Qaraxaas ayaa la soo sheegayaa in siddeed qof ay ku dhinteen halka ku dhawaad toban kalena ku dhaawacmeen.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo ballaaran oo dhan ah Al-shabaab, waxaana horey sidan oo kale uga dhacay qaraxyo ismiidaamin ah.

Horseed Media