Dadkii reer guuraaga ahaa ee gaaray gobolada Nugaaal iyo karkaar oo gurmad loo fidiyey

Published: January 5, 2017

Iyadoo dhawaan boqolaal qoysas reer guuraa ah ay gaareen gobolada Nugaal iyo Karkaar ee Puntland, kadib markii deegaanada ay degnaayeen ay ku dhufutay abaar xoogan ayaa waxaa dadkaasi loo fidiyey gurmad deg-deg ah

Dadka ka soo hayaamay abaarta ayaa la siiyey adeegyo fara badan oo ay ka mid yihiin cunto, biyo, daawo iyo dhar.

Gurmadkaasi ayaa waxaa dadka gaarsiiyey maamulka Puntland iyo shacabka.

Dadka gaaray deegaanad ka tirsan gobolada Nugaal iyo Karkaar ayaa waxa ay ka yimaadeen maamulada Puntland, Galmudug iyo Somaliland.

Reer guuraaga ayaa ah dad aan xuduud lahaynd, hadba waxa ay u guuraan gobolkii uu ka da’o roob ila markaana laga soo sheego barwaaqo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *