Dagaal aad u culus oo maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood

Published: February 7, 2023
Shares42

Maalintii labaad waxaa mar kale dib uga bilowdey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool, dagaal aad u culus oo u dhexeeya dadka deegaanada SSC iyo ciidamada daacadda u ah Col.Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Col. Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ay weerar mar kale ku soo qaadeen shacabka Laascaanood, iyaga oo dib su soo abaabuley, kadib markii ay ku jabeen dagaalkii maalintii shalay ee Isniinta

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku ka bilowdey meel aan ka fogeyn Hotel Xamdi, Buurta Sayidka ilaa xabaalaha ee koonfurta Laascaanood.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dib loo riixey, isla markaana taliskoodi weynaa ee Goojacadde uu khatar ugu jiro in uu ka baxo gacantooda.

War ka soo baxay maamulka gooni-goosadka ee Somaliland ayaa lagu sheegay in argagixiso soo weerartey ciidankoda, kuwaas oo taageero ka helaaya, ciidamo Puntland ka yimid iyo kuwa Khaatumo, arrintan ayaa ah marin habaabin cad, kadib markii isimada iyo waxgaradku ay isla maalintii shalay soo saareen qoraal ay ku caddeynayaan in aysan sinaba uga mid ahayn maamulka gooni-goosadka ah.

Dagaalkii shalay waxaa ciidamada Somaliland magaalada la dhaceen hoobiyaal, waxaana ka mid ahaa dadka ku nafwaayey 7 qof oo isku oys ka soo jeeda.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatey dagaalkii bilowdey maalintii isniinta ee 6 Feberaayo 2023.

Horseed media