Dagaal beeleed ka dhacay Berbera

Published: December 29, 2019

Dagaalkan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Beeyo-dhaadheer oo ku taala duleedka magaalada Berbera ee Soomaaliland,waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega.

Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux halka 6 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla deegaankaaasi.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in xiisad u dhaxeysay Labada maleeshiyo beeleed ay maalmahaan ka taagneyd deegaanka ay ku dagaalameen, isla markaana dagaalkood uu ahaa mid soo laab laabtay.

Mas’uuliyiinta Soomaaliland weli kama hadlin dagaalkaas dhex-marey Labada maleeshiyo beeleed, kaas oo weli saameyntii uu reebay laga dareemayo duleedka Magaalada Berbera.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Beeyo-dhaadheer ee duleedka Berbera ayaa waxaa ay sheegayaan in weli deegaankaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Labada beelood, waxana dadka deegaanka ay sheegayaan inay cabsi dareemayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *