Dagaal culus oo dib uga qarxay Laascaanood

Published: March 18, 2023

Subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ayaa dagaal aad u xooggan dib uga qarxay banaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib toobaadyo laga nastey dirirta.

Dagaalka ayaa ka bilowdey jihooyin kala duwan, waxaana uu ka bilaamey markii hore Maraaga, sidoo kale waxa uu ka qarxay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalku bilaameyt 4:30am ayna soo weerareen ciidamo ay ugu yeereen huwan.

Muddo ka badan laba todobaad wax dagaal ah ma dhicin, waxaana fashilmey isku day la doonaayey in Col. Muuse Biixi ciidankiisa si nabad ah kula baxo, taasoo uu diidey.

Horseed Media